Ka Faideyso Su,aalahan iyo jawaabahooda

page views: ###

 

 

1-Su’aal Sheeg Qoyskii ugu horeeyey ee Islaamka ka shahiiday?
1-Jawab: Waa Qoyska Alla Yaasir.
 
2-Su’aal Sheeg Suurada Kaliya ay ku dhammaadaan Magacyadda Laba Nebi oo isku xigga?
2-Jawab: Waa Suuratul Aclaa (Sabixisma).
 
3-Su’aal Sheeg Dagalkii ugu horeeyey ee dhex mara Islaam-ka iyo Gaalaada Gadaalkaasow ah mid weyn?
3-Jawab: Waa Dagaalkii Beder oo dhacday 17 ramadaan Sanadkii labaad ee Hijriyadda.
 
4-Su’aal Sheeg Qibladii ugu horeysay ee Islaamku yeesho?
4-Jawab: Waa Qiblada Beytul Maqdis.
 
5-Su’aal Sheeg labadii Dowladood ee ugu xooganaa Xiligii Nebiga (NNKH)?
5-Jawab: Waa Dowladaha kala ah Ruum iyo Furus.
 
6-Su’aal Sheeg Shan Suuradood oo loogu magac daray Nebiyaal?
6-Jawab: Waxay kala yihiin’ 1-Nuux, 2-Yuufus, 3-Yoonis, 4- Ibraahim, 5-Huud.
 
7-Su’aal Sheeg Caasimadii ugu horeysay uu Islaam-ku Yeesho?
7-Jawab: Waa Madiinatul Munawara.
 
8-Su’aal Sheeg Juqraafi ahaan kala sareynta dhulka Somaliya qeybkee loo-sheegaa?
8-Jawab: Waxa loo-sheegaa ilaa 6 siyaabood Waxayna kala yihiin” 1-Dhulka xeebta, 2-Buuralayda Silsilada Goolis. 3-Dhulka Howdka ah, 4-Dooxada Nugaaleed. 5-Dhulka Webiyada, 6-Dhulka Savanaha (Savana).
 
9-Su’aal Sheeg Sanadkii la’aas aasay Ciidanka Booliska Dalka Soomaaliya?
9-Jawab: Waxaa la’aas aasay 1943.
 
10-Su’aal Sheeg Sanadkii la’aas aasay Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya?
10-Jawab: Waxa la’aas aasay 20 Desember 1960.
 
11-Su’aal Sheeg Sanadkii uu dhacay dagaalkii Dhagax tuur?
11-Jawab: Wuxu dhacay Sanadkii 1948-dii.
 
12-Su’aal Sheeg sanadkii la-dilay Culumadii Somaliyadeed ee ka soo horjeestay xeerkii Ragga iyo dumarka wada simaayey?
12-Jawab: Waxa la-dilay Sanadkii 1974-tii.
 
13-Su’aal Sheeg goorma ayey midoobeen Gobaladii Koonfureed iyo Goboladii Waqooyi ee Soomaaliya?
13-Jawab: Waxay midoobeen 1 luulyo 1960-kii.
 
14-Su’aal Sheeg goorma ayey Soomaaliya ku biirtay ururkii Ummadaha Midoobay?
14-Jawab: Waxay ku biirtay Sanadkii 20, sebtembar 1960.
1-Su’aal Sheeg nebigii soo bar-baariyey ama soo koriyey Maryama Bintu Cimraan?
1-Jawab: Waa Nebi Zakariya Cs.
 
2-Su’aal Sheeg Nebigii uu Alle awood u siiyey inuu dhiribta ku hadlo?
2-Jawab: Waa Nebi Ciise Cs.
 
3-Su’aal Sheeg Nebigii uu Alle u siiyey awood inuu fisiro Riyooyinka?
3-Jawab: Waa Nebi Yuusuf Cs.
 
4-Su’aal Sheeg Magaca Negi Yaxye Aabihiis?
4-Jawab: Waa Nebi Zakariya.
 
5-Su’aal Sheeg Haweyneeda kaliya uu Alle ku Mehriyey Nebi Muxammed (NNKH).
5-Jawab: Waa Zeynab Bintu Jaxsha.
 
6-Su’aal Sheeg Nebi Cismaaciil Cs Mgaca Hooyadii?
6: Jawab: Waxaa ladhahaa Haajira.
 
7-Su’aal Sheeg Nebi Isxaaq Cs Magaca Hooyadii?
7-Jawab: Waxa ladhahaa Saara.
 
8-Su’aal Sheeg suurad kamid ah suuradaha Qur’aanka oo aayad waliba ku dhamaato Kor-dhaw?
8-Jawab: Waa Suuratul Jinni.
 
9-Su’aal Sheeg suurad kamid ah Suuradaha Qur’anka oo aayad waliba ay ku jirto Magaca Rabi ee Allaah?
9-Jawaab: Waa Suuratul Mujaadalah (Qadsamicallah).
 
10-Su’aal Sheeg Afartii Nin ee aan Nebiyana aheyn oo suusuubanaa ee Qur’aanka lagu sheegay?
10-Jawab: Waxay kala yihiin” 1-Zeyd Bin Xaarith. 2-Cuzeyr. 3-Luqmaan. 4-Dul qarneyn.
1-Su’aal Sheeg Salaadii ugu horeysay ee uu Tukaday Nebiga (NNKH)?
1-Jawab: Waa Salaadda Duhur.
2-Su’aal Sheeg qofkii ugu horeeyey ee Alla Dartiis u Jihaada?
2-Jawab: Waa Nebi Idiriis Cs.
 
3-Su’aal Sheeg Wadankii ugu horeeyey ee carbeed oo laga helay Shidaal?
3-Jawab: Waa Dalka Masar.
 
4- Su’aal Sheeg kumuu ahaa sir hayihii (Xog-hayii) Nebiga (NNKH)?
4-Jawab: Waxa weeye Xudeyfa Binu-Yabaan Rc.
 
5- Su’aal Sheeg qofkii ugu horeeyey ee Faras Fuula?
5-Jawab: Waa Nebi Cismaaciil Cs.
 
6-Su’aal Sheeg Magaca Asxaabigii la-oran jiray Saciid Al-khudriyi?
6-Jawab: Waxa la-oran jiray Sacad Binu Maalik Binu Sinan Rc.
 
7-Su’aal Sheeg Asxaabigii Nebiga (NNKH) yiri waxaa dileysa Koox Xad-gudubtay?
7-Jawab: Waxa weeye Camaar Binu Yassir Rc.
 
8-Su’aal Sheeg Sanadkii uu dhashay Sheekh Xasan Barsane?
8-Jawab: Wuxu dhashay sanadkii 1853-dii.
 
9-Su’aal Sheeg Sheekh Xasan Barsane magaciisa oo seddexan?
9-Jawab: Waa Sheekh Xasan Nuur Sheekh Axmed.
 
10-Su’aal Sheeg Sheekh Xasan Barsane Imisa sano ayu la-dagalamaayey Gumeystihii Talyaniga?
10-Jawab: Wuxu la-dagaalamaayey Mudo 30 sano ah.
 
11-Su’aal Sheeg xagee buu ku geeriyooday Sheekh Xasan Barsane?
11-Jawab: Wuxu ku geeriyooday Xabsiga Dhexe ee Magallaadda Muqdisho.
 
12-Su’aal Sheeg Sheekh Xasan Barsane Sanadkii uu geeriyooday?
12-Jawab: Wuxu geeriyooday Sanadkii 1926-dii.
 
13-S u’aal Sheeg Meesha uu ku dhashay Sheekh Xasan Barsane?
13-Jawab: Wuxu ku dhashay Tuuladda Barsane oo ka tirsan Gobolka SHabellada Dhexe.
14-Su’aal Sheeg oraah-dii Xikamadda laheyd ee uu yiri General Maxamed Siyaad Barre Markii
 
laga saaray Magaalladda Muqdisho?
14-Jawab: Wuxu yiri Dal waan ka tagay Balse dad kama aanan tagin.
1-Su’aal Sheeg Magaca Abuu Sufyaan?
1-Jawab: Waxaa Weeye Sakhar Binu Xarbi.
 
2-Su’aal Sheeg Magaca Imaam Muslim?
2-Jawab: Waxaa Weeye Muslim Binul Xujaaj Binu Muslim Annay Saabuuriyi.
 
3-Su’aal Sheeg Magaca Asxaabiyaddii Haani?
3-Jawab: Waxaa Weeye Faakhita Bintu Abii Daalib.
 
4-Su’aal Sheeg Imisa Salaadood ayay u dhigantaa Salaadda lagu tukado guriga Nebiga (NNKH).
4-Jawab: Waxay u dhigantaa Kun (1000) Salaadood wixii aan ka ahayn Masaajidka Xaramka.
 
5-Su’aal Sheeg Mu’alifkii Kitaabka Riyaadu Saalixiin?
5-Jawab: Waxaa Weeye Imaamu Nawawi.
 
6-Su’aal Sheeg salaaddii ugu horeysay uu Nebiga (NNKH) ku tukaday Kacbada?
6-Jawab: Waxaa Weeye Salaatul Casri.
 
7-Su’aal Sheeg Sanamyaddii ugu waaweynaa Xilligii Jaahiliyadda?
7-Jawab: Waxaa Weeye 3, Waxayna kala yihiin, 1-Cuzaa. 2- Manaata. 3- Laata.
 
8-Su’aal Sheeg sababtii ka danbeysay inuu dhaco dagaalkii kowaad ee Dunida?
8-Jawab: Sababtu waxay aheyd kadib markii la-dilay boqorkii reer Austria.
 
9-Su’aal Sheeg Magacii boqorkaasi?
9-Jawab: Waxaa Weeye Archiduke Faransis Ferdinando.
 
10-Su’aal Sheeg goorma ayaa la-dilay Boqorkii Archiduke Faransis Ferdinando?
10-Jawab: Waxa la-dilay 28 June 1914.
 
11-Su’aal Sheeg Yaa-dilay Archiduke oo ahaa boqorkii reer Austria?
11-Jawab: Waxaa dilay Gaafiriyeelo Birinsib.
 
12-Su’aal Sheeg goorma ayay dadka reer Yurub ogaadeen micnaha Qaranimada?
12-Jawab: Waxay ogaadeen Sanadkii 1870-kii.
 
13-Su’aal Sheeg qarashkii ku baxay dagaalkii koowaad ee Dunida?
13-Jawab: Waxaa ku baxday adduun lacageed oo gaareyso 332.1 Bilyan (Billion).
1-Su’aal Sheeg Asxaabigii soo jeediyay in la-bedelo meeshii Musliminta dageen Maalintii Beder?
1-Jawab: Wuxu ahaa Xubaab Binul Mundir Binu Camar Rc.
 
2-Su’aal Sheeg goorma ayuu dhacay dagaalkii Tabuuk?
2-Jawab: Wuxu dhacay Bishii Rajab sanadkii 9-aad ee Hijriyadda.
 
3-Su’aal Sheeg Zubeyr Bin Cawaan Rc kumaa ku dhuftay waranka?
3-Jawab: Waxa ku dhuftay Cumayr Binu Jarmuuz.
 
4-Su’aal Sheeg Magaca mid kamid ah xaasaska Nebiga oo ka soo jeeday Israa’iil?
4-Jawab: Waa Safiya Bintu Xuyey Rc.
 
5-Su’aal Sheeg Hooyaddii Gabdhaha Nebiga (NNKH)?
5-Jawab: Waa Khadiija Bintu Khuweylad Rc.
 
6-Su’aal Sheeg halkee buu-ku geeriyooday Xudeyfa Binu Yamaan?
6-Jawab: Wuxu ku geeriyooday Madaa’in.
 
7-Su’aal Sheeg ninkii Nebiga (NNKH) aqoonsaday inuu Nebi noqon doono inta aanan la-soo dirin kahor?
7-Jawab: Waa Waraqa Binu Nawfal.
 
8-Su’aal Sheeg xagee ayay ku kulmeen gaaladii Quresheyd habeenkii ay go’aaminayeen Nebiga (NNKH) inay dilaan?
8-Jawab: Waxay ku shiraayaan Daarul Nadwa oo ah baarlamaan ay ku shiri jireen gaaladdii Qureesheyd.
 
9-Su’aal Sheeg Koonyaddii (Naaneestii) Nebigeena (NNKH)?
9-Jawab: Waxa Weeye Abuu Qaasim.
 
10-Su’aal Sheeg Masjidkii ugu horeeyey ee laga dhiso Madiina?
10-Jawab: Waa Masjidka Qubaa.
1-Su’aal Sheeg Asxaabigii Aabihii dilay dagaalkii weynaa ee Beder?
1-Jawab: Waa Asxaabigii weynaa ee Abuu Cubeydah.
 
2-Su’aal Sheeg Maxay isu ahaayeen Cali Bin Abii Daalib iyo C/laahi Bin Cabaas?
2-Jawab: Waa Ilmo Adeer. Abii Daalib Bin Cabdil M.udalib iyo Cabaas Bin Cabdil Mudalib ayaa kala dhalay.
 
3-Su’aal Sheeg Asxaabigii amray Aadaanka hore ee Salaadda Jimcaha?
3-Jawab: Waa Cusmaan Bin Cafaan Rc.
 
4-Su’aal Sheeg Asxaabigii Bur-buriyey Sanamkii Cuzaa?
4-Jawab: Waa Khaalid Bin Waliid Rc.
 
5-Su’aal Sheeg Taabicigii ugu horeeyey ee wax ka qora Duulaankii Rasuulka (NNKH)?
5-Jawab: Waxaa Weye Curwa Binu Zubeyr Rc.
 
6-Su’aal Sheeg laba Xubnood oo walaala ah kana tirsanaa Ururkii SYL?
6-Jawab: Waa Daahir Xaaji Cismaan iyo Yaasiin Xaaji Cismaan.
 
7-Su’aal Sheeg Magaca Gudoomiyihii aas-aasay ururkii SYL?
7-Jawab: Waxa Weye C/Qaadir Sakhawediin.
 
8-Su’aal Sheeg xilligii ugu horeeyey oo Calan Soomaali ah la-taago?
8-Jawab: Waxa la-taagay 11 oktoobar 1954-kii.
 
9-Su’aal Sheeg Goorma ayuu dhacay dagaalkii Xaawo Cismaan Taako?
9-Jawab: Wuxu dhacay 11 Janaayo 1948-kii.
 
10-Su’aal Sheeg halkee buu-ku aasan yahay Sheekh Yusuf Al kowneyn?
10-Jawab: Wuxu ku aasan yahay Tuuladda Aw Barkhadle una dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera?

                         part two.


Su’aal Sheeg Asxaabtii Nebiga (NNKH) keebaa ugu cimri dheeraa?

1-Jawab: Waxaa ugu cimri dheeraa Aanas Bin Malik rc.

2-Su’aal Sheeg Aanis Bin Maalik rc Cimrigiisu imisa sano ayuu gaaray?

2-Jawab: Wuxu gaaray 98 ilaa 100 sano.

3-Su’aal Sheeg imisa sano ayuu Arday u ahaa Imaamu Shaafici Macalinkiisii Imaamu Maalik?

3-Jawab: sagaal sano.

4-Su’aal Sheeg xagee buu-ku aasan yahay Imaam Axmed Ibnu Xanbal rc?

4-Jawab: Wuxu ku aasan yahay magaaladda Baqdaad ee dalka Ciraaq.

5-Su’aal Sheeg imisa jir buu markii uu geerinooyaayey Imaam Axmed Ibnu Xambal rc?

5-Jawab: Wuxu jiray 77 sano.

6-Su’aal Sheeg imaam Axmed Ibnu Xanbal duugtiisii imisa qofood ayaa ka soo qeyb gashay?

6-Jawab: waxa ka soo qeyb gashay 800,000 oo nin ah iyo 60,000 oo Haween ah. Xigasho Kutubka Tarjamatul Imam.

7-Su’aal Sheeg imisa Asxaabi ayaa ka soo qeyb gashay Qudbadii ugu danbeesay ee uu Nebiga (NNKH) ka jeediyay Xajkiisii ugu danbeeyey ?

7-Jawab: Waxa ka soo qeyb gashay 124,000 oo Asxaabi.

8-Su’aal Sheeg waa imisa Culeyks Maskaxda Bili’aadamka?

8-Jawab: Waxa weye hal kiilo iyo bar (1.5kg).

9-Su’aal Sheeg Su’aal Sheeg waa imisa boqolkiiba Culeyska maskaxda bili’aadamka marka loo-eego Culeyska jirka?

9-Jawab: waxa weye boqolkiiba 2. (2%).

10-Su’aal Sheeg imis ayaa boqolkiiba biyo ah jirka bili’aadamka?

10-Jawab: Waxa weye boqolkiiba 60 (60%) oo raga ah, iyo boqolkiiba 55 (55%) oo haweenka ah.

11-Su’aal Sheeg waa imisa culeyska maskaxda Maroodiga?

11-Jawab: Waxa weye toddoba kiilo iyo bar (7.5kg).

12-Su’aal Sheeg waa imisa caleyks maskaxda daanyeerka?

12-Jawab: Waxa weye in ka yarn us kiilo (420 gr)

13-Su’aal Sheeg waa imisa culeyska maskaxda lo’da?

13-Jawab: Waxa weye nus kiilo (500 gr).

14-Su’aal Sheeg waa imisa culeyska maskaxda Bisada (yaan-yuurta).

14-Jawab: waa 30 garaam. (30 gr).

1-Su’aal Sheeg xiligii la-aas aasay Magalaada Kuufa?
1-Jawab: Waxa la'aas aasay xiligii Cumar Bin Khadaab Rc.
2-Su’aal Sheeg goorma ayuu dhacay dagaalkii Qaadisiya?
2-Jawab: wuxu dhashay sanadkii 14-aad ee hijriyadda.
3-Su’aal Sheeg meesha uu ku aasan yahay Nebi Ibraahim Cs?
3-Jawab: Wuxu ku aasan yahay Qaliil, oo ku yaala dalka falastiin.
S- Waxaad sheegtaa macaha magaca Jibriil?
J- Macnaha Jibriil waa Adoon, sida uu ku fasiray Ibnu-cabaas
S- Waxaad sheegtaa masaajidak salaada lagu tukadaa ay u dhiganto ajar cumro?
J- Waa masaajidka(Qubaa)
S- Waxaad sheegtaa maydka xalaasha ah?
J- maydka xalaasha ahi waa Ayaxa iyo Kaluunka
S- Waxaad sheegtaa dhiiga xalaasha ah?
J- dhiiga xalaasha ahi waa Beerka iyo Beer-yarada
S- Kumuu ahaa ninkii dakhray Nebiga(NNKHA), dagaalkii Uxud?
J- Wuxuu ahaa Ibnu Qimah
S- Kumuu ahaa yuhuudigii Nebga(NNKHA),sixray?
J- Wuxuu ahaa Lubeyd binu-acsam
S- Waxaad sheegtaa ninkii jebiyey dhooshii nebiga(NNKHA), dagaalkii Uxud?
J- wuxuu ahaa Cuqba binu abdi waqaas
S- Waxaad sheegtaa gabadhii Alle u waxyooday?
J- waxay ahayd Nebi muuse hooyadii
S- Waxaad sheegtaa magaalada aan cudurka daacuunku gelin?
J- waxaa weeye Magaalada Madina-Al_munawara
S- Waxaad sheegtaa suuradii sababta u ahayd inuu soo islaamo Cumar binu khadab?
J- waxay ahayd suuradu Daah
S- Waxaad sheegtaa Abuu Bokor intuu hayey xilka qaliifnimada?
J- wuxuu hayey 2 sano iyo dhoowr bilood.
S- Waxaad sheegtaa asxaabiyadii ugu horeysay ee dishay qof gaal ah?
J- waxaay ahaayd safiya bintu cabdi mudalib
S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii la dilay isagoon weligii Alle u sujuudin?
J- Wuxuu ahaa Cumar binu thaabit, wuxuu soo islaamay dagaalkii Uxud waxaana la
Dilay isla maalintaas
S- Waxaad sheegtaa shahiidkii ugu horeeyey Islaamka?
J- Waxay ahayd Sumaya bintu khayaad
S- Waxaad sheegtaa duulaankii(Qaswadii) ugu danbeeyey ee Rasuulku duulo?
J- Waxay ahayd Qaswadii Tabuuk , sanadii 9aad ee Hijrada
S- Waxad sheegtaa Labadii Asxaabi ee Rasuulku ku **** tukaday?
J- Abu-bakar sadiiq iyo C/raxamaan binu cawf
S- Waxaad sheegtaa sanadka islaamka loo yaqaan sanadkii murugada?
J- waa sanadkii ay dhimatay Khadiija bint khuweylad, iyo Abu-daalib
S- Yaa ugu soo hor islaamay reer Madiina?
J- Waxaa ugu soo hor islaamay Sacad binu suraara
S- Jannada yaa ugu horgelaaya?
J- Waxaa ugu hor gelaaya Nebigeena Maxamed (NNKHA)
S- Waxaa sheegtaa Denbigii ugu horeeyey ee Alle lagu caasiyo?
J- Wuxuu ahaa Kibir uu sheydaan ka kiray inuu sujuudo
S- Waxaa sheegtaa qofkii ugu horeeyey ee qof dila aduunka korkiisa?
J- Wuxuu ahaa Qaabiil binu Aadam oo dilay walaalkii Haabiil
S- Waxaad sheegtaa qofkii ugu horeeyey ee Qiblada u tukada?
J- Wuxuu aha Asxaabiga la yidhaa Saciid binu Mucaali
S- Waxaad sheegtaa magaca Asxaabigii Abi- saciid al-khudriyi?
J- Waxaa la odhan jiray Sacad binu maalik binu sinaan (RC)
S- Kumuu ahaa Asxaabigii Nebigu(NNKHA), yidhi waxaa dileysa koox xadgudubtay
J- Wuxuu ahaa Camaar binu-yaasir(RC)
S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii ku dhashay Kabcada badhtankeeda?
J- Wuxuu ahaa Xakiim binu xisaam(RC)
S- Waxaad sheegtaa Asxaabiyadii Malaku Jibriil Alle salaanta uga keenay?
J- Waxay ahayd Khadiija bintu khuweylad(RC)
S- Waa kuma sayidka shuhadadu?
J- Waa Xamsa binu Cabdi mudalib(RC)
S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii Nebigu(NNKHA) u sheegay inuu Alle jecelyahay?
J- Wuxuu ahaa Miqdaad binu Camar(RC)
S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii ku riyooday Adanka?
J- C/binu Zayid (RC)
S- Waxaad sheegtaa Suuradii Nebigu(NNKHA), yidhi waxaan ka jeclahay Aduunka iyo waxa dhex yaala?
J- Waa Suuratu, Al-Fatax
S- Noocyada Sadaqada tee ugu fadli badan?
J- Waxaa ugu fadli badan Biyaha oo lays waraabsho
S- Waxaad sheegtaa magaca Faraskii ugu horeeyey ee Rasuulku (NNKHA), ku duulo?
J- Waxaa la odhan jiray Sakab
S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii Malaa,iigtu ka xishoon jirtay?
J- Wuxuu ahaa Cismaan binu Cafaan(RC)
S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii ugu horeeyey ee lagu aaso Xabaalaha Baqiic?
J- Wuxuu ahaa Cismaan binu Madcuun(RC)
S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii geridiisa uu u luxmy Carshiga Alle?
J- Wuxuu ahaa Sacad binu Mucaad Al-ansaariyi(RC)
S- Waxaad sheegtaa Sir-hayihii(xog-hayihii), Nebiga(NNKHA)?
J- Waxaa la odhan jiray Xudeyfa binu-yabaan(RC)
S- Kumuu ahaa Asxaabigii Sunta cabay ee Yidhi Bismilaah ee aan waxba ku noqon?
J- Wuxuu ahaa Khaalid Binu Waliid(RC)
S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii dilay Aabihii oo gaal ah dagaalkii Beder?
J- Wuxuu ahaa Abu-cubeyda Caamir Binu jaraax
S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii arkay Masiixu dajaal?
J- Wuxuu ahaa Tamiin binu Aws
S- Waxaad sheegtaa Magaca caadiga ah ee Abu-hureyra?
J- Waxaa la yidhaa C/raxmaan binu Zakhar (RC)
S- Waxaad sheegtaa Magaca Abi-ayuub Al-ansaariyi?
J- Waxaa la odhan jiray Khaalid binu Zayid(RC)
S- Waxaad sheegtaa Magaca Asxaabigii Abi-dar Al-qafaariyi?
J- Waxaa la odhan jiray Jundub binu Junaadah (RC)
S- Waxaad sheegtaa Asxabigii Baryadiisa Alle aqbali jiray?
J- Waxaa uu ahaa Sacad binu Abi-waqaas(RC)
S- Waxaad sheegtaa Asxaabiga qudha ee magiciis Quranka lagu sheegay?
J- Waxa weeyaan Zayid binu- Xaarith(RC)
S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii geeridiisa ay 70,000, ee Malag soo degeen?
J- Waa Sacad bin-Mucaad(RC)
S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii Malaa,iigtu soo bookhan jirtay?
J- Waxa uu ahaa Cumraan binu Xuseen(RC)
S- Waxaad sheegtaa Asxaabiyadii Rasuulku(SCW), ku kafnay khamiiskiisii?
J- Waxay ahayd Faadima binu-Asad (Cali binu-abi Daalib hooyadii) (RC)
S- Waxaad sheegtaa Munaafiqii Nebigu (NNKHA), yidhi qofka doona inuu sheydaan arko kaas ha eego?
J- Wuxuu ahaa Nabtal binu-Acsam
S- waxaad sheegtaa asxaabigii hogaaminayey dagaalkii yarmuug?
J- Waxuu ahaa Khalid bin walid (Rc)
S- Waxaad sheegtaa asaxaabigii hogaaminayey dagaalkii mu’ta?
J- Waxaa la odhan jiray zeyb bin xaarith (RC).
S- Waxaad sheegtaa waxa Alle abuuro wixii ugu horeeyey?
J- Alle wuxu ugu hor abuuray Qalinka
S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii ugu horeeyey ee u hijrooda Ardul-xabash?
J- Cismaan binu Cafaan (RC)
S- Waxaad sheegtaa waxa ugu horeeya ee Adoomada laga xisaabinayo Qiyama?
J- Waa salaada
S- Waxaad sheegta qofka ugu horeeya ee Darka(xawdka), Nebiga ka cabaaya?
J- Waa Asxaabiga la yidhaa Suhayb Arruumi (RC)
S- Naarta yaa ugu horgelaya Qiyaamaha?
J- Waxaa ugu horgelaaya Suldaa,Madaxweyne, aan cadaalad sameyn.

                          part three.

1-Su’aal Sheeg magaca Cumar Binu Khadaab Hooyadii?

1-Jawab: Waxa weye Xintama Bintu Hishaam.

2-Su’aal Sheeg Safiya Bintu Xuyeey inta uusan Rasuul (NNKH) guursan ninkii qabi jiray magaciisa?

2-Jawab: Waxa weye Kinaana Ibnu Rabiica.

3-Su’aal Sheeg Juweriya xilligii uu guursanaayey Rasuulka (NNKH) imisa jir bay aheyd?

3-Jawab: Waxay jirtay 20 sano.

4-Su’aal Sheeg xilligii ay geeriyooneysay Juweeriya Rc imisa jir bay aheyd?

4-Jawab: waxay jirtay 65 sano.

5-Su’aal Sheeg Xafsa Bintu Cumar inta uusan Rasuulka (NNKH) guursan ninkii qabay?

5-Jawab: Wuxu ahaa Khuneys Bin Xudaafa.

6-Su’aal Sheeg xaaska kaliya ee Rasuulka (NNKH) oo maherkoodu Afrika ka dhacay?

6-Jawab: Waxa weye Ramla Bintu Abii Sufyaan Rc.

7-Su’aal Sheeg magacii kale ee loo-aqoon jiray Ramla Bintu Abii Sufyaan Rc?

7-Jawab: Waxa loo-aqoon jiray Ummu Xaliima.

8-Su’aal Sheeg Raa’isal wasaarihii hore ee dalka Malaysia Maxamed Mahatiir sanadkii uu dhashay?

8-Jawab: Wuxu dhashay 10 luulyo 1925-kii.

9-Su’aal Sheeg Maxamed Mahatir inta sano uu Raa’isal wasaare ka ahaa dalka Malaysia?

9-Jawab: Wuxu ka ahaa 22 sano.

10-Su’aal Sheeg Maxamed Mahatiir sanadkii uu Raa’isal wasaare ka noqday Malaysia?

10-Jawab: Wuxu ka noqday 16 Luulyo 1981, wuxuuse ka dagey 31 Oktober 2003.

11-Su’aal Sheeg inta jeer ee suuratul Baqara lagu sheegay Magaca Allaah?
1-Jawab: Waxaa lagu sheegay 282 Jeer.
12-Su’aal Sheeg inta jeer ee Qur’aanka lagu sheegay magaca Nebi Muuse Cs?
2-Jawab: Waxaa lagu sheegay 113 Jeer.
13-Su’aal Sheeg Qofkii ugu horeeyey ee isagoo Jihaad ku jira ka dagaalama Faras dushiisa?
3-Jawab: Wuxu ahaa Miqdaad Ibnu Caamir Rc.
44-Su’aal Sheeg imisa Axadis ayey Bukhari iyo Muslim ay ka wariyen Asxabigi weynee Abuu Dar Al qifari Rc?
4-Jawab: Waxay ka wariyeen 281 Axaadiis
15-Su’aal Sheeg sanadkii uu Shahiiday Asxaabigii la-oran jiray Muscab Bin Cumeyr Rc?
5-Jawab: Wuxu shahiiday Sanadkii seddexaad (3-aad) ee Hijriyada.
16-Su’aal Sheeg ninkii ugu horeeyey ee Islaam-ka  oo ku dalaamay Leeb?
6-Jawab: Wuxu ahaa Sacad Bin Abii Waqaas Rc.
17-Su’aal Sheeg ninkii ugu horeeyey ee soo saaro Sabuunta lagu qubeesto?
7-Jawab: Wuxu ahaa Nebi Suleymaan Cs.
18-Su’aal Sheeg yaa u qaada jirka Oxygen-ka iyo Nafaqada?
8-Jawab: Waxaa u qaada Dhiiga.
19-Su’aal Sheeg waa imisa lafaha hadalka loo adeegsado?
9-Jawab: Waa 44 lafood.
20-Su’aal Sheeg qanjirka ugu weyn Bili’aadanka
10-Jawab: Waa beerka.
21-Su’aal Sheeg Qudrada Imisa ayaa biyo ah?
11-Jawab: Waxa biyo ah 20%. Boqolkiiba Labaatan.
22-Su’aal Sheeg tirade dowladaha aan Badda laheyn?
13-Jawab: Waa 26 dowladood.
23-Su’aal Sheeg dhererka Badda Cas?
14-Jawab: Waxaa weeye 2240 km.
25 .Su’aal Sheeg kumuu ahaa Aabihii dalka Soomaaliya?
waa adan cade.
26-Su’aal Sheeg xilligii ay kulmeyn C/laahi Binu Xudaafa iyo Boqorkii Xukumi jiray Ruum ee Qaysar?
1-Jawab: Waxay kulmeyn Xilligii Cumar Binu Khadaab Rc.

27-Su’aal Sheeg kumaa yiri qof walbo oo Muslim ah waxa waajib ku ah inuu dhunkado madaxa C/laahi Binu Xudaafa Rc?
2-Jawab: Waxaa sidaasi dhahay Amiirkii Muslimiinta Cumar Binu Khadaab Rc.

28-Su’aal Sheeg sanadkee ayuu C/laahi Binu Xudaafa la-kulmi Boqorkii xukumi jiray Faaris waa Kisraa’e?
3-Jawab: Wuxu la-kulmay sanadkii 6-aad ee hijriyadda.

29-Su’aal Sheeg kumaa lagu sababay inuu dilo Kisraa?
4-Jawab: Waxa lagu sababay wiilkii uu dhalay ee Shiiraweeh.

30 -Su’aal Sheeg C/laahi Binu Xudaafa sanadkii uu la-kulmay Boqorkii Qaysar?
5-Jawab: Wuxu la-kulmay Sanadkii 9-aad ee Hijriyadda.

31.. Su’aal Sheeg sanadkii uu geeriyooday C/laahi Binu Xudaafa Rc?
6-Jawab: Wuxu geeriyooday sanadkii 34-aad ee Hijriyadda.

Akhristayaal Maanta Su’aalaha Maadiga ah waxaa ku soo qaadan doonaa kacaankii curtay 21-kii oktoobar 1969-ki.

32 -Su’aal Sheeg xagee buu-ku dhashay Allaha u naxariistee Salaad Gabeyre Kediye?

-Jawab: Wuxu ku dhashay degmada Xarardheer ee Gobolka Mudug.

33-Su’aal Sheeg goorma ayay dawladdii Kacaanka soo-xirtay Salaad Gabeyre kuwaasoo soo ogaaday inuu inqilaab waday?

-Jawab: Waxay xirtay sanadkii 1971-kii.

34-Su’aal Sheeg goorma ayaa la-toogtay Salaad Gabeyre Kediye?

9-Jawab: Waxaa la-toogtay Bishii Juun 1972-kii.

35..Su’aal Sheeg waa maxay cudurka loo-yaqaano Geerida madow?
cudurka daacunka.
36.. Su’aal Sheeg Wadanka Caalamka ugu dalxiiska badan?
waa faranciska.
36..Su’aal Sheeg imisa Axadis ayey Bukhari iyo Muslim ay ka wariyen Asxabigi weynee Abuu Dar Al qifari Rc

37..Su'aal- Waxaad sheegtaa Dalka Caalamka ugu balaadhan?
Jawaab- Waa Ruushka

38..Su'aal- Waxaad sheegtaa Dawlada Caalamka ugu yar?
Jawaab- Waa Dawlada Veticanka ee ku dhex taala Caasimad Talyaaniga ee Rome

39..Su'aal- Waxaad sheegtaa Webiga Aduunka ugu dheer?
Jawaab- waa Webiga Nile ee mara dhowr dal oo Afikaana

40..Su'aal- Waxaad sheegtaa Webiga Caalamka ugu baaxada weyn?
Jawaab- Waa Webiga la yidhaa Amazon oo mara dalaka koonfurta Ameerica

41..Su'aal- Waxaad sheegtaa Garoonka diyaaradaha ee Caalamka ugu balaadhan?
Jawaab- Waa Khalid international airport , oo ku yaala Riyadh/Sucuudiga

42..Su'aal- Waxaad sheegtaa dalka Caalamka ugu Xuduuda badan?
Jawaab- Waa dalka China oo xad la wadaaga 14 dawladood

43..Su'aal- Waxaad sheegtaa Dalka ugu Dumarka yar Caalmka?
Jawaab- Waa dalka Qadar , oo 67.2% dadkiisu ay yihiin Rag

44..Su'aal- Waxaad sheegtaa Dalka Caalamka ugu Raga yar?
Jawaab- Waa dalka Ukrayn, oo 53.7% dakiisu ay yihiin Dumar

45..Su'aal- Waxaad sheegtaa Dalka Caalamka ugu Inqilaabka badan?
Jawaab- Waa dalka Bolivia, ee ku yaala Latiin America, waxaa ka dhacay 191 Inqilaab

46..Su'aal- Waxaad sheegtaa Haweyneydii ugu horeesay ee noqota Ra,iisal wasaare?
Jawaab- Sirimavo Bandaran, oo u dhalatay dalka Siri-Laanka

47..Su'aal- Waxaad sheegtaa Haweyneydii ugu horeesay ee Madax-weyne noqota?
Jawaab- Isabel Peron, oo u dhalatay dalka Argentine

48..Su'aal- Waxaad sheegtaa Buurta Caalamka ugu dheer?
Jawaab- Waa buurta Himilaayo oo ku taal India

49..Su'aal- Waxaad sheegtaa laba Caasimadood oo marka magacooda la turjuma noqda Ubax cusub?
Jawaab- Waxaa weeyaan Addis abab, iyo New-york

50..Su'aal- Waxaad sheegtaa Dalkii ugu horeeyey Afrika ee Ingiriisku ku duqeeyo diyaarado?
Jawaab- Waa Somaliland , xiligii Zayid Maxamed Cabdile Xassan

51..Su'aal- Waxaad sheegtaa Magaca magaalada Somaliyeed ee Waagii hore loo yaqaanay Bandir_Qaasim?
Jawaab- Waa magaalada Boosaaso

52...Su'aal- Muxuu noqonayaa macnaha Eithopia?
Jawaab- Waa kelmad ka soo jeeda Giriig , oo macnaheedu yahay Wejigii gubtay

53..Su'aal- Waxaad sheegtaa Dawlada loo yaqaan Baladu Malyuun?
Jawaab- Waa dawlada Moritaaniya, Masafadeedu waa 1000,000Km2, dadkeeduna 1000,000

54..Su'aal- Waxaad sheegtaa Caasimadii hore ee India?
Jawaab- Waxay ahayd Kalkata

55..Su'aal- Imisa sanno ayuu noolaadaa geedka Zaytuunku?
Jawaab- Waxay noolaataa 400, oo sanno
56..Su'aal- Goorma ayuu Maraykanku ka xoroobay Ingiriiska?
Jawaab- Wuxuu ka xoroobay 1776, waxaana hogaamineyey Jorch Washington

Su'aal- Yuu ahaa ninkii ugu horeeyey ee isticmaala ereyga Dunida Sadexaad?
Jawaab- Waxuu ahaa Alfard Somin , Tariikhdu markay ahayd 1956 kii

Su'aal- Waxaad sheegtaa Dawladii ugu horeesay ee siisa Dumarka xaqa ay ku codeeyaan?
Jawaab- Waxay ahayd Ziwisarland

Su'aal- Waxaad sheegtaa Dawlada caalamka ugu horeysa soo saarka Timirta?
Jawaab- Waa Dawlada Ciraaq ,waxaana ku yaala ku dhowaad 22 milyan oo geed

Su'aal- Waxaad sheegtaa Dawlada caalamka ugu horeysa soo saarka Ubuxa?
Jawaab- Waa Dawlada Holand, waxaa ku xigta Bolgaria

Su'aal- Waxaad sheegtaa Dawlada caalamka ugu horeysa soo saarka shaaha(caleenta)?
Jawaab- Waa dawlada India, waxaa ku xigta Sirilanka, waxaa soo raacda China

Su'aal- Waxaad sheegtaa Dawlada caalamka ugu horeysa soo saarka Bariiska?
Jawaab-Waa dawlada China, waxaa ku xigta Bangladesh

Su'aal- Waxaad sheegtaa meesha keliya ee aan loo ogoleyn Boqorada Ingiriisku inay gasho?
Jawaab- Waxaa weeyaan Aqalka Odayaasha Ingiriiska

Su'aal- Goorma ayey idaacada BBCdu hawada ka hadashay?
Jawaab- waxay markii ugu horeesay la baahiyey 4/9/1922 kii

Su'aal- Yaa yidhi 揌adaad dooneyso nabad dagaal u diyaar garoow?
Jawaab- Waxaa odhan jiray Roomaaniyiintii hore

Su'aal- Goorma ayuu dhamaaday xukunkii Muslimiinta ee India?
Jawaab- Wuxuu dhamaaday taariikhdu markay ahayd1885kii

Su'aal- Maxaa qaarada Afrika magaca loogu bixiyey?
Jawaab- Waxaa markii ugu horeesay xukumi jiray Boqor caraba oo la odhan jiray Ifriiq Binu Qays

Qaybta 3aad : Halxidhaalayaal, iyo jawaabahoodii

Su'aal- Waxaad sheegtaa 4 nin oo qol wada fadhiya oon salaanta isla gaadhin?
Jawaab- Waa Naasaha geela

Su'aal- Waxaad sheegtaa Xayowaan dhala isagoo socda?
Jawaab- Waa Geriga

Su'aal- Waxaad sheegtaa Noolaha keliya ee dhabarkiisa u seexan kara?
Jawaab- Waa Binu 朅damka(dadka)

Su'aal- Sheeg magac loo bixiyo Hablaha Soomaaliyeed oo marka hore ama dib loo akhriyo isku mida?
Jawaab- Waa magaca Luul

Su'aal- Sheeg magac loo bixiyo ragga Somaliyeed ,oo ka kooban 6 xaraf oo hadii saddexada hore laysku xidho macnahoodu noqonayo wax dadka cuna, haddii saddexda danbbe laysku xidhona macnahoodu wuxuu noqonayaa wax dadku cunaan?
Jawaab- Mas-lax, saddexda hore waa Mas, dadka cunaa, saddexda danbena Lax , wax dadku cunaan

dhulka waxaan usoo dagan
cirkana daarad ku laheyn
ee duula ii sheeg ?
Fiidmeerta
koob yaroo kun nin deeqo.
vagina
libaax ku laq kusoo laba celi.
guriga markaad gashid oo hadana kasoo baxeysid.
wax cirka tiir kuleh, dhulka tiir kuleh, tagooga orgi leh, tunka shaash kuleh.
qoraxda.
gunti macaan geed la fuul.
nafta.
sii waf, soo waf, aboow salax, saaka waa ikan.
seenta lo,da.
cudurkii ku doorshee
daduu helana aan dilin
dawa aan yeelan ii sheeg?

Doqonimo

waxa socodka diinka leh
dabeeshana ka orad badan
een daalin iisheeg?

Dayaxa

waxa dugaaga raaco
dibadana u hoydo
dad la moodo ii sheeg?

Daanyeerka

qof dibbira la jiifo
gaajana la daaco
diidaayo ii sheeg?

Dumarka